Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa u dhoofay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo xiriir xoogan kala dhaxeeyo maamulkiisa, waxaana la sheegay in Safarkaan uu ahaa mid aan la shaacin.
Saciid Deni ayaa oo shalay gelinkii danbe ka baxay Garoowe ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu shirar kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Addis Ababa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lugta labaad ee safarkiisa inuu ku tegi doono magaalada Abuu Dhabi ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta halkaasi oo sidoo kale kula shiri doono mas’uuliyiin ka socoto Imaaraadka.
Sida ay ku warameen illo ku dhow dhow Saciid Deni ayaa sheegay in safarka deg dega ah ee loogu yeeray inuu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo wadatashiyo ku saabsan marxalada kala guurka ee Soomaaliya gashay.
Saciid Deni oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la ogsoon yahay inuu xiriir adag kala dhaxeeyo dowladda Imaaraadka Carabta oo la aaminsan yahay inay taageerto maamulkiisa.
Ilo aad ugu dhow Deni ayaa Caasimada Online horay ugu sheegeen in madaxweynaha Puntland, uu xilligan wajahayo caqabad dhaqaale oo saameyn ku yeelan karta ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Ilahan ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu Deni u caddeeyay inuusan xilligan awoodin dhaqaale uu ku bixiyo ololihiisa doorashada, sababo la xiriira culeysyo dhaqaale iyo amni oo ka dhashay xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalladii iyo kacsanaantii la xiriirtay Iiraan iyo xulafada Mareykanka.
Imaaraadka Carabta ayaa taageera mashruuca weyn ee ballaarinta Dekedda Boosaaso oo gacanta ay ku hayso shirkadda P&O Ports oo hoostagta DP World iyo dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, inkastoo markii ay dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Imaaraadka ay ka rarteen qalabkooda garoonka diyaaradaha Boosaaso, haddana waxaa weli la aaminsan yahay inay adeegsadaan garoonkaasi iyadoo si qarsoodi ah ay isaga kala gudbaan diyaaraddaha aadaya Abuu Dhabi ilaa kooxda mucaaradka Suudaanta ay taageeraan.

