30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Madaxweyne XASAN SHEEKH ma loo sheegay?!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Madaxweyne Xasan Sheikh ma loo shegay in webi shabeelle la xirtay oo dadki biyahiisa ku noolaa ay maanta oon u dhimanayaan iyaga iyo xoolahoodi? Sow ma ahayn inuu xoogga saaro uu wax waliba ka hormariyo in webiga shabeele laga qaado biya-xireenada uu saaray Cabdi M/uud Cumar oo lagala hadlo Ethiopia? Sow ma mudneyn in wax waliba laga hormariyo ( absolute priority) nolosha malaayiinta qof ee ku teedsan dhulka baaxadda weyn ee Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Shabeelaha Hoose inti uu Madaxweynuhu meel kale u aadi lahaa arrimo siyaasad awgeed? Waryaa dalkaan iyo dadlaakn u maqan?.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa la gudbooneyd, sida aan qabo, in manta uu tago Ethiopia si arrintaan loo dhammeeyo si dhaqso ah, waayoo biyaha waa nolosha uunka Ilaahey oo dhan, siduu Ilaaheyba ku sheegay Qur’aanka Kariimka ah…Ethiopia waxay isku dayday inay howl geliso biyaxireen aad u weyn laguna magacaabay NAHDA oo loo qoondeeyay inuu yareryo biyaha webiga Niil ee isu mara Suudaan Iyo Masar. Waxaase loo cuskaday heshiisyo laga gaaray arrimahaas oo baajiyay inayay yaraadaan biyihi webiga Niil.

Waxaa la xusay laba beri ka hor Maalinti Biyaha Adduunka, waxaase la yaab noqotay in arrintaan webiga Shabeelle aan cidna soo xusin iyadoon maalintaas wax biyo ah ku jirin webiga…aaway dareenki dadka isku sheegaya mas’uuliyiinta ee madashi ka hadlay? Mase wax walba waxaa laga sugaa Xasan Sheikh…waa dal burbuiri raba mar haddii biyahaas la waayo wax nolol ah oo laga sugaato dalkaan ma jiraan.

Killinka 5aad waxaa lagu sheegaa inay deggan yihiin qowmiyad Somali ku abtirsata, laakin wax kasta ka jecel inay Ethiopia hoos tagaan, kuwa iyaga la dhashayna ay bahdilaan ama baab’aan si madaxdoodu raalli uga naqdo…annaguba waa qabnaa gobollo sidaas u dhaqma…nasiib darro waa meshi ay ku dhamaadeen geesiyashi ummadda iyagoo raadinaya xonimada Somali Galbeed. Sida uu dhigayo Qaynuunka Adduunka u yaalla, ma jirto dowlad ama cid kale oo xiran karta biyo socda, waxaana horey looga diiday Yahuuda oo isku dayday marar badan in Falastiin biyaha ka xannibto si wax soo saarka beerahooda u hakiyaan, kan Yahuuduna u bulaalo…Maanta ma laga yaabaa in Madaxweyne Xasan Sheikh uu arrintaan isaga shakhsi ahaantiisa isku taxallujiyo qadiyadana la aado meel kasta, laga billaabo wadamada ku jira IGAD (inkastoo Ethiopia ay hogaanka u heyso).

Mudane Madaxweyne, waa inaad arrinta u kortaa geed dheer iyo mid gaaban ood hordhigtaa waddamada Khaliijka oo Ethiopia la leh gacan-saar fiican..ka sii soco ilaaq Q.M iyo wadamada Yurub lana tusiyo si caddaan ah dhibaatada nagu soo socota oo ah mid aad u baaxad weyn oo horseedi doonta burbur iyo barakac aan hore loo arag hadaan deg-deg wax loooga qaban. Ma jirtaa cid dardaarankan maqli doonta oo tallaabo qaadi doonta intey goori goor tahay?

Tallabadaani ma noqon doontaa tii lagu xasuusto Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku guuleysta inuu furo biyaha webiga Shabeelle lagana heshiiyo inuusan mar dambe xirmin ama aysan cidna ku takri fali kairn wax kasta oo dhaca..waa taan Ilaahey ka tuugeyno inuu noo fuliyo Inshaa Allaah Aamiin…Aamiin!!!

 W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News