26.8 C
Mogadishu
Friday, May 29, 2026

“Waa arrin ugub ah in R/W CCC loo adeegsado burburinta reer afkaarta Puntland” Waxaa yiri…!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya Cabsida ay shacabka Puntland ka qabaan in maamulka iyo Odayaasha dhaqanka Puntland ay aqbalaan qorshaha ay Dowlada Somalia ku dooneyso in Puntland lagu qanciyo inay ka tanaasusho nidaamka heer deegaan ee lagu soo xulaayo Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Faysal Rooble oo kamid ah dadka ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid uu xiligaani iyo wixii ka danbeeya uu maamulka Puntland u adeegsanaayo Siyaasad ay hareer socto awood.

Faysal Rooble, oo Wareysi siinaayay warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku cibraqaadan la’ dahay go’aanka maamulka, Odayaasha iyo dhalinyarada Puntland kaasi oo ah mid ay ku diidayaan dhaqan galinta misna qaadashada nidaamka 4.5.

Faysal Rooble waxa uu sheegay in xiligaani ay u muuqato in Ra’isul wasaaraha dalka uu qasbaayo maamulka Puntland iyo guud ahaanba dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland, isaga oo nasiib darro ku sheegay in xiligaani ay Dowlada ku dhiirato in Somalia lagu sii maamulo Nidaamka 4.5 oo uu sheegay inuu raacay Dowladihii KMG-ka ahaa.
Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan dooneynin 4.5 oo habka qabiilka , isagoona sheegay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid looga baahan yahay inuu ixtiraamo aragtida Puntland, Soomaaliland iyo Jubbaland oo hoos ka diidan, sida uu haddalka u dhigay.

”Ilama qumana in muddo intaa kasii badan Puntland lagu qasbo nidaamka 4.5, waayo Dawladnimadu waa ka fogtahay in awood leysku qaadsiiyo rabitaanka dad gaar ah, waa nasiib darro in Ra’iisulwasaare Cumar la dhaho orad dadkaaga kasoo dhaadhici 4.5 oo ah habka qabiilka, waxaa loo baahan yahay in aragtida dadka la ixtiraamo dhinacyadii ama fikirkii hore la isku aruuriyo”

Madaxda Dowlada Somalia ayuu ku booriyay in wareegooda ay qaatan aragtida shacabka, si uu yiri meesha looga saaro Siyaasad salka ku heysa cadaadin iyo xifaaltan.

Dhanka kale, Maamulka iyo Odayaasha Puntland ayuu ugu baaqay in mar waliba ay tiigsadaan waxa ay u arkaan inay uga samata bixikaraan dhibta daahsatay Soomaali oo idil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News