Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo watay Gaari ayaa lagu soo waramayaa in Muwaadiniin u dhashay Dalka Turkiga ay ku Dileen Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan afar qof oo laba ay Turkish tahay, ayaa ku dhimatay weerarkan oo ka dhacay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, gaar ahaan qaybta dambe ee Masaajidka Sheekh C/rashiid.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarka ay geysteen koox Hubeysan oo watay Gaari Caasi ah, kuwaas oo weerarka ka dib goobta ka baxsaday sida la sheegay.
Goobjooge ayaa sheegay in Gaariga lagu horgooyay Gaari kale oo caasi ah sidaana loogu furay rasaas farabadan.
Weerarka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Ammaanka Dowlada Fedeaalka Soomaaliya waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano.
Ma aha weerarkii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada Muqdisho laguna dilo muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]