Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay International Labour Organization oo ah Ururka Shaqada Adduunka, ayaa waxaa looga hadlay sababta uu Ururka ugu gacanseeray diidmadii ay diiden Kooxo ka tirsan DFS oo sheeganaayay inay ka tirsan yihiin Ururada shaqaalaha Somalia.
Warbixintaani oo aheyd mid dheer ayaa waxaa lagu muujiyey inay Guddiga garwaaqsadeen wax u muuqda xiisada muddada dheer soo taagan oo u dhexeysa Dowladda Federalka iyo Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed ee Festu.
Guddiga ILO waxa uu sheegay in bishii May ee sannadkii hore, Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia laga soo kala diray 3 Guddi oo matalayo Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ka qeybgalaayay Shirweynihii Ururka Shaqada Adduunka oo ka dhacay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.
Guddiga Ururka ILO waxa ay sheegen in Ururada Shaqaalaha Dowlada Somalia ay xaq u leeyihiin inay helaan casuumaad ku aadan shirarkooda balse loo baahan yahay in Casuumaadaasi ay Dowlada Somalia u dhaqan galiso hab wanaagsan oo aan shaki galineynin Ururka.
Guddiga ILO waxa ay sidoo kale sheegen in ahmiyada ugu weyn ay tiigsanayaan ay tahay in Mabaadiida Guud iyo Xaqa ay Ururadda Shaqaalaha Somalia u leeyihiin inay si xor ah u doortaan Wakiiladooda iyo inay awoodaan inay faragelin la’aan sare u qaadaan wax ku oolkooda.
Guddiga ILO waxa uu sidoo kale ka cudur daartay aqbalaada Xubno siyaabo is khilaafsan ay usoo dirto Dowlada Somalia, waxa ayna sheegen in muhiimadu ay tahay in la helo Guddi mideysan oo Dowlada Somalia u matala ka qeyngalka shirka Ururka Shaqada Adduunka ee ILO.
Dowlada Somalia ayay ka dalbadeen inay soo magacaaban Guddi aan ka dhexeyn wax khilaaf ah, waxa ayna ku celcelsheen in loo baahan yahay Guddi aan ka dhexeen xifaaltan oo ku socda hab ku saleysan maamul Dowladeed.
Dhinaca kale, ILO ayaa ka digtay in Dowlada Somalia ay ku dhiirato magacaabista gudiyo loo soo xulay qaab hoos iska taabad ah oo wax u dhibaaya hanaanka maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]