Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno ilo diblumaasiyiin ka tirsan Dowlada Somalia, ayaa xaqiijinaaya in Madxaweyne Xassan Sheekh uu wali ku jahwareersan yahay xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Madaxweyne Xassan ayaa waxaa miiska u saaran dhowr mas’uul oo uu u arko inay munaasab ku yihiin qabashada xilka madaxtinimo maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Caqabadaha ugu weyn ee iminka lasoo daristay Xassan Sheekh ayaa ah kala irdhoobida Beelaha Hiiraan oo labo u kala jabay taasi oo sabab u noqon karta in Xassan Sheekh uu waayo qorshihiisa ku aadan garabsiinta Musharaxiinta uu isaga wato kuwaasi oo la doonaayo inay gacanta ku dhigaan maamulka Cusub.
Ka sokow kala irdhoobida beelaha Hiiraan, ayaa waxaa jira in Odayaasha labada Gobol ay ka biyo diidan yihiin in shaqsiyaadka gaar ay isku soo taagan xilka madaxtinimo ee maamulka cusub.
Ragga Xassan Sheekh miiska u saaran ayaa waxaa kamid ah Faarax C/qaadir oo isaguba la kulmaayo caqabado ku xiran reerka uu kasoo jeeda oo aan Tuulo ka degin dhulka uu ku fadhiyo labada Gobolka ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, taasi oo noqotay caqabada aan laga gudbikarin waxa ayna Odayaasha labada dhinac ku doodayaan inaysan jirin sabab uu Faarax C/qaadir ku noqonkaro Madaxweynaha Maamulka cusub.
Xassan Sheekh oo muujinaaya dareen ku xiran diidmada Faarax C/qaadir uu kala kulmaayo dhanka Odayaasha, ayaa waxaa hadana sidoo kale Miiska u saaran Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi.
Xassan Sheekh oo cabsi ka qaba in Faarax C/qaadir uu socon waayo, ayaa waxa uu iminka culeyskiisa saaray Cali Maxamed Geedi oo noqonkara Musharax u taagan xilka maamulka cusub.
Xassan Sheekh ayaa iminka doonaaya in Cali Maxamed Geedi uu ka dhigo Madaxweynaha cusub ee maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, si looga badbaado Musharaxiinta kale oo ay kala wataan reeraha kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Sh/Dexe.
Geesta kale, Xassan Sheekh waxa uu iminka ogaaday in lama huraan ay tahay in Cali Geedi laga dhigo Madaxweynaha maamulka cusub islamarkaana lagu bixiyo dhaqaale xoogan si kursigaasi looga ilaaliyo shaqsiyaad kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

