Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.
Gaarigaani oo si saa’id ah loo soo camiray ayaa waxaa la hordhigay Baarar ku dhow Xabsiga Godka Jilacow, kuwaasi oo xiliyada Subaxa ilaa Galbihii ah kuwo camiran.
Gaariga ayaa waxaa shaki kadib la wareegay Ciidamada ka hortaga Qaraxyada ee Dowlada kuwaasi oo kala furfuray dhammaan gaariga, waxa ayna sheegen Ciidamada in tanka Qaraxa ku xiran gaariga uu ahaa mid aad u culus haddii uu qarxi lahaana uu geysan lahaa Khasaaro aad u badan.
Ujeedka Gaariga ayaa ahaa in lala beegsado Baararkaasi xiliga Qadada oo ay ku qulqulayaan dadka halkaasi ku nool.











