Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, Wasiiro, Xildhibaano ayaa maanta Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali si aan horay loo arag uga soo sagootiyay Garoonka diyaaradaha Kanoonoko ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Sagootinta loo sameeyay Ra’isul wasaare Cumar, ayaa ka duwaneyd sagootintii horay loogu sameyn jiray Sharmaarke iyadoo mudadka Garoonka lagu sugnaa si wada jir ah labada Mas’uul ay ula hadleen Saxaafada.
Ra’isul wasaare Cumar iyo Madaxweyne Gaas oo gudaha Garoonka kula hadlay Saxaafada ayaa midba midka kale ku booriyay inuu ilaaliyo axdiga Heshiiska, waxaana Ra’isul wasaare Cumar lagu adkeeyay in DFS uu sharaxaad dheeri ah kasiiyo Heshiiska islamarkaana u sheego in Heshiiska uu yahay mid lagama-gudbaan ah.
C/wali Gaas, ayaa sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii qaran ee uu Ra’iisul wasaaruhu u yimid magaalada Garoowe islamarkaasina ay maanta meesha u yimaadeen Sagootintiisii oo keliya.
Gaas ayaa xusay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhowaan DFS iyo Puntland ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uu ahaa mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto islamarkaana dhabbaha u xaaraya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA