Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, ayaa si adag uga hadlay Heshiiskii dhawaan dhexmaray DFS iyo Maamulka Puntland kaasi oo looga gudbaayay nidaamka Somalia daahsaday ee 4.5.
Galeyr ayaa sheegay in mar waliba ay wanaagsan tahay in laga gudbo marxalad waliba oo qaraaran, balse ay wanaagsan tahay in dib loo eego marxalada loo guuraayo.
Cali Khaliif waxa uu sheega Heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe ee u dhexeeyay Dowlada iyo Maamulka Puntland uusan waxba ka khuseyn maamulka Khaatumo.
Galeyr waxa uu sheegay in qodobada kasoo baxay heshiiska uu yahay mid ku kooban Puntland iyo Dowlada, islamarkaana aan waxba ka khuseyn Khaatumo oo uu sheegay inay tahay maamul ka madax-banaan Puntland iyo maamulada kale.
Cali Khaliif ayaa hadalkaani ka sheegay shir gaar ah oo Madaxda Khaatumo ku dhexmaray magaalada Buuhoodle, waxa uuna Galeyr cod dheer ku sheegay in Xiriirka ay u jareen Dowlada Somalia.
Cali Khaliif waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay gabtay dhammaan danihii loo doortay, waxa uuna sabab uga dhigay Heshiiskii ay la gashay Puntland oo muujinaaya in DFS aysan gacanta ku heyn Siyaasada dalka islamarkaana ay kala wareegen Hay’addo, sidaa aawgeedna ay Xiriirka u jareen DFS.
Galeyr waxa uu sheegay in sharaf dhac weyn ay tahay in dad aan Soomaali aheyn ay damaanad qaadan in qodobadii kasoo baxay Heshiiska sidooda loo hirgaliyo, iyaga oo sameynaaya Qosol gariir, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali, oo isna ka hadlay Shirka Madaxda Khaatumo ay ku yeesheen magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay Heshiis xaaraan ah la gashay Puntland, isaga oo carabaabay in mas’uuliyad dari ay tahay in maamulka Puntland ay ka awood badiso Dowlada Somalia.
Waxa uu Wasiirku sheegay in Puntland ay damaanada u dhiibatay Ethiopia, islamarkaana kalsoonida siisay Dowlado kale, Dowlada Xassan Sheekhna ay sandulo uga dhigtay rabitaankeeda, taasi oo uu sabab uga dhigay inay xiriirka u jaraan Dowlada Somalia.
Madaxda Khaatumo waxa ay sidoo kale sheegtay in Muwaadin misna Mas’uul kasoo jeeda deegaanada Khaatumo uusan ka qeybqaadan doonin Doorashada la filaayo in dabayaaqada 2016-ka ka dhaceysa Somalia.
Madaxda Khaatumo waxa ay sidoo kale shirkooda ku sheegen in Xildhibaan iyo Gole koodaa uusan ka qeybqaadan doonin Doorashada, waxa ayna sidoo kale tibaaxeen in Wadaniyada iyo Midnimada Somalia ay wali kamid yihiin balse ay Xiriirka u jareen Dowlada Xassan Sheekh oo kaliya.
Docda kale, Haddalka Cali Khaliif iyo Golihiisa Wasiirada ayaa imaanaya xili inta badan Siyaasiyiinta Soomaalida ay aad uga soo horjeesteen Qodobadii lagu kala saxiixday magaalada Garoowe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]