25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

BOORSAANI oo boorka iska jafay soona saaray amaro wakhti gaaban lagu fulin doono

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii ugu danbeeyay uu sii xumaanaayo amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay in gudaha magaalada Muqdisho ay ku dhex jiraan shaqsiyaad u taagan qalqal galinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxa uu sheegay in Jawaab adag ay ka bixin doonaan goorta ay gacanta ku dhigaan dadka falkaasi wada.

Guddoomiye Boorsaani, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in dhammaan amni daradaasi ay ka dhalatay iska warqab la’aanta ka dhex jirta Hay’adaha amaanka, waxa uuna amar ku bixiyay inaan magaalada lagu arki karin gaadiid aan laheyn taariko.

Guddoomiye Boorsaani waxa uu sheegay in dadka isticmaala gaadiidka aan laheyn taarikada ay fursad u heystaan muddo 3 maalin ah, wixii ka danbeeya maalmahaasi ay qaadi doonaan talaabo lidi ku ah gaadiidkaasi.

Boorsaani ayaa sheegay in ay waajib tahay in qof walba uu qaato kaarka aqoonsiga waxuuna sheegay in lagu bixin doono 3-degmo oo ka mid ah Degmooyinka gobalka banaadir kuwasoo kala ah, Degmada Wadajir, Degmada Shibis, Degmada Howlwadaag.

Geesta kale, Boorsaani ayaa ka digay in dadka shacabka ah ay isha ka daawadaan dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News