25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Affeey oo si hoose u taageeray qorshaha GAAS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur gobolleedka IGAD ayaa qeyla dhaan ka muujiyay kalsoonida ay Umadda Soomaaliyeed ku qabaan in Somalia lagu sii maamulo Nidaamka 4.5 oo ah kan kaliya ee Soomaalida u sababay is faquuqa.

Maxamed Cabdi Afey oo ah wakiilka Urur gobolleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa sheegay in awoodiisa uu isugu geyn doono burburinta 4.5, isaga oo sheegay in wixii intaan ka danbeeya aysan suuragal aheyn in Somalia looga dhaqmo 4.5.

Maxamed Cabdi Afey,waxa uu sheegay in wixii ka danbeeya Heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe ee u dhexeeyay DFS iyo Maamulka Puntland uusan dib usoo laaban doonin 4.5, waxa uuna ballanqaaday in Doorashada soo socta tan xigi doonta ay noqon doonto mid shacabka ay Madaxweynaha kusoo xulan doonaan nin iyo codkiisa.

Maxamed Cabdi Afey, waxa uu tilmaamay in Nidaamka 4.5 uu dhibaato badan ku hayo Umadda Soomaaliyeed, iyada oo ay sidaa tahay hadana aysan jirin meel ay uga laabtaan Heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe.

Maxamed Cabdi Afey, waxuu inta ku darey in sababta Puntland u diidaneyd nidaamkaas ay aheyd in shirarkii Garoowe lagu qabtay sanadkii 2012 la isla gartay in aan nidaamka 4.5 dalka lagu soo celin, isla markaana taas iyagoo tixraaca ay u diidanaayeen sida uu yiri.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa noo muuqatay in haddii Puntland sanadkan ka qeyb gelin doorashada, in mustaqbalka Soomaaliya uu mugdi geli lahaa, isla markaana aanay doorasho dhici laheyn,”

Maxamed Cabdi Afey, ayaa lagu tilmaamaa in Siyaasadiisa mar waliba ay u janjeerto dhanka Maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna si aad ah kaga soo horjeeda in doorashada Somalia loo maro qaab 4.5, taasi oo suuragalinkarta in musharax kasoo jeeda labadaasi maamul Goboleed ay ku guul dareystaan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News