Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku dhagan qodobo gaar ah oo uu sheegay inay dawo u yihiin shirka wadatashiga aayaha Somalia iyo hanaanka Doorasho.
Madaxweyne Xassan ayaa goordhow daaha ka rogay in Dowlada Somalia ay iyada mas’uuliyad ka saaran tahay islamarkaana ay wanaagsan tahay in looga danbeeyo dhammaan wixii la xiriira doorashada iyo arrimaha ku aadan wadatashiga.
Madxaweyne Xassan oo wata qodobo dhowr ah oo uu u arko in xal looga gaari karo arrimaha taagan ayaa waxa uu ku adkeysanayaa in la qaato qodobadaasi si guul looga gaaro shirka socda. Halkan ka aqri qodobada.
Madxaweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa lasoo warinayaa in Xasan Sheekh ay ku diidan yihiin qodobada qaar ee uu wato, halka iyaguna ay la imaaden qodobo u muuqda in lagu wiiqaayo awooda Dowlada Somalia Somalia.
Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas oo si guud ugu qanacsan qaabka doorasho inay maamulaan maamul goboleedyada, ayaa waxaa iminka moodaa in haddana ay kasoo horjeedan qaabka la doonaayo in Hadafka Xassan Sheekh loogu dhex qariyo doorashada, waxaana suuragal ah in shirka uu dhaafo maalmihii loogu tallo galay in lagu soo xiro.
Maamulada qaar ayaa wata qorshooyin ay ku muujinayaan in awood ahaan ay la barbar dhigmikaraan Dowlada, waxa ayna cabsida ugu badan ay tahay in shirka uu kusoo dhamaado maalmo badan iyo Fashil.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]