Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Xubnaha ka qeybgalay shirka wada-tashiga aayaha Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamulada Jubbland iyo Puntland ay wataan qorsho ay ku hor istaagayaan rajadii uu Xassan Sheekh ka lahaa guusha Doorashada.
Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ay ku dhagan yihiin in meesha laga saaro in soo xulista Xildhibaanada Cusub ay gacan ku yeeshaan Odayaasha kasoo kala jeeda Gobolada iyo deegaanada laga soo xuli doono Xildhibaanada.
Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, ayaa shirka ka sheegay inay adag tahay in lasoo xulo Xildhibaano cusub haddii aan Madaxda Maamulada loo dhiibin soo xulista Xildhibaanada waxa ayna labaduba ku doodayaan in lasiiyo ahmiyad si ay u muuqato kaalintooda.
Waxa ay sheegen inay arrinku uu adkaanayo haddii la yiraahdo Odayaasha hasoo xulaan Xildhibaanada, Hogaamiyayaashuna sheeda hakala socdaan, waxa ayna ku dhagan yihiin in howshooda loo madax-baneeyo.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa doonaaya in Odayaasha ay soo xulaan Xildhibaanada cusub, si uu uga dhigto mariin islamarkaana ay taasi u sahasho in mar kale uu kusoo laabto kursiga Qaranka.
Dhanka kale, Qodobka ugu adag ee is fahan’waaga ka taagan yahay ayaa ah Xulista Xildhibaanada cida looga danbeynaayo, waxa ayna Jubbaland iyo Puntland u dhar dhigteen in mar waliba ay DFS ku socodsiiyaan danahooda gaarka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]