25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Somalia ma xor baa?: Document loo diray Villa Somalia oo yaab leh oo aan helnay + Xog (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku shiraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaga oo ka doodaya, sida naloo sheegay, qaabka loo qabanayo doorashada 2016-ka ka dhaceysa Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxaa la yaab leh in Caasimada Online ay gacanta ku dhigtay document muujinaya in shirka ka socda Villa Somalia uu yahay mid bulshada Soomaaliyeed lagu indha sarcaadinayo, kuwa meesha ku shirayana aysan wax talo ah ku lahayn aayaha Soomaaliya.

Document-gan oo uu diyaariyay wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating, waxaa ku xusan dhammaan qaabka ay doorashooyinka 2016 u dhacayaan, sida labada aqal, madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamanka.

Waxaa sidoo kale ku xusan sida loo maamulayo iyo cidda maamuleysa.

Keating waxa uu doorashada hoos geeyey xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayada oo xildhibaanada qaranka laga soo qaaday kuwa aan jirin, oo mustaqbalka dalka aan wax kaalin ah ku lahayn.

Waxaa in la is weydiiyo mudan, haddii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay labaduba yihiin musharaxiin u tartamaya xilka madaxweynaha, sidee ayey doorashada u maamuli karaan, sideese caddaalad ku dhici kartaa, haddii sidaas la sameeyo.

Tan ugu yaabka badan ayaa ah, in Michael Keating uu xitaa soo xariiqay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta tartamaya. Sidee nin ajnabi ah oo aan dalkan u dhalan uu ugu sheegi karaa muwaadinka Soomaaliyeed inuusan is-sharxi karn, haddii aanu buuxin shuruudo.

Document-gan, waa qodobada madaxda Soomaalida ay dhammaadka shirkooda soo saari doonaan, sida uu Keating ku war-geliyey, sidaa darteed doodda iyo qodobada laga hadlayo, waa iska cayaar loo dejiyey shacabka Soomaaliyeed.

Keating waxa uu warqaddiisa ku xusay in guddiyada doorashada ay noqon doontaa saddex guddi.

1 – Guddi heer federaal ah oo qaabilsan doorashada heerka qaran

2 – Guddi heer gobol ah, oo qaabilsan doorashada heerka gobol ah

3 – Iyo Guddi ka kooban xubno ka socda labada guddi ee sare.

Keating waxa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee xil doonaya inay qabtaan ku amray inay isku soo taagi karaan kaliya hal xil, sida ku xusan warqadda. Soomaaliya ma dal xor ah baa?

Waxa uu sidoo kale musharax kasta ku qasbayaa inuu bixiyo lacag dhan shan kun oo dollar, haddii uu xil u tartamayo, sida warqdda ay Caasimada Online heshay ku xusan.

Keating waxa uu sidoo kale warqadda ay heshay Caasimada Online ku xusay qaabka ay u dhacayaan labada doorasho ee aqalka sare iyo aqalka hoose.

Doorashada madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamanka, ayaa waxaa u xil saarnaan doona guddiga doorashada ee heerka federaal ah, islamarkaana waxaa gacan ka siin doona beesha caalamka.

Haddii aad mooday in madaxda ku shirsan Villa Somalia ay talo ku lee yihiin aayaha Soomaaliya, iyo in dalka Soomaaliya yahay dal madax banaan, ku quuso document-ga hoos ka muuqda.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/04110854387DiscussionpaperforNLForAgreedModalities11.pdf” width=”1180″ height=”1600″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News