26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia maalintii labaad ka socda kulamo u dhexeeya Madaxda dalka kaasi oo lagu dulmaraayo waxyaabihii kasoo baxay kulamadii shalay dhacay ee looga hadlaayay arrimaha doorashada dalka.

Kulanka maanta socda ayaa waxaa la filayaa in isla maanta lasoo xiro, waxaana sidoo kale laga soo saari doonaa war-murtiyeed qodobeysan oo lagu bidhaamin doono wixii kasoo baxay shirka misna leysla gartay.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somalia, ayaa goordhow sheegay in qorshaha Shirka uu yahay in maanta Shirka la soo gaba gabeeyo oo laga soo saaro go’aanada ay isku raaceen Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Daa’uud waxa uu sheegay in Shirka la isku soo hadal qaadayo Ajandayaal muhiim ah oo madaxda ay ka hadli doonaan, inta badana ay jiraan sida uu yiri tanaasulaad kala duwan.

Inta badan qodobadii horyiilay Madaxda dalka ayaa waxaa looga hadlay shirkii hordhaca ahaa ee shalay dhacay, waxaana maanta lagu wadaa in lasoo afmeero, maadaama waxyaabihii khilaafka iyo kala aragti duwanaanshiyaha keeni jiray xal looga gaaray Heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe.

Geesta kale, waxaa mar waliba suuragal noqon kara in wakhti ama maalin dheeri ah lagu daro shirka wadatashiga maadaama kani uu noqon doono kii ugu danbeeyay oo looga hadlo masiirka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News