27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sawirro: Kismaayo oo ay badda kusoo fatahday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka waxaa la sheegayaa in xaafado badan oo ku dhow dhow xeebaha Kismaayo ay kusoo fataheen Biyaha Badda.

Saameynta ugu ballaaran ee Biyaha Badda u geysteen dadkaasi ayaa waxaa u badan kuwa ku nool xaafada Daabyaambo ee Kismaayo.

Biyaha Badda ee kusoo fatahay deegaanadaasi ayaa waxa ay sababeen khasaare iskugu jira, barakac, xoolo le’day iyo hanti khasaare gaaray uu ka dhashay fatahaad badweynta Indian Ocean ay ku samaysay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo iyo Jaziiradaha dhinaca badda uga xeeran.

Wararku waxa ay sheegayaa in Biyaha Badda qiyaas ahaan 140Mitir kasoo durgeen halkii ay awal joogen taas oo keentay in biyuhu gudaha u galaan xaafadaha magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in badi fatahaada sidaa ah ay sababaan dabaylo xoog leh oo ka dhacay gudaha badweynta.

Musiibadaani ayaa waxaa gacan ka geystay Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubbaland gaar ahaan Kismaayo ee Jazeerada gudhaa.
7

2

6

5

4

3

1

- Advertisement -

Read more

Local News