26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sawirro: Wasiiro gaaray Jowhar iyo shirka oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe goordhow gaaray wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan BFS kuwaasi oo la filaayo inay kaqeybgali doonaan shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Jowhar, kaasi oo maamul loogu dhisaayo maamul Gobolleedyada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa iminka si xooli ah looga dareemayaa qaban qaabada xaflada furitaanka wajiga labaad ee shirka.

Magaalada Jowhar, gaar ahaan Howlka shirarka ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ergooyin ka socota labada gobol, sidoo kale qaar ka mid ah duubabka dhaqanka labada gobol ka soo jeeda ayaa iyana xaadir ku ah.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu bilowdo wajiga labaad ee shirka, iyadoo qaar ka mid ah duubab dhaqameedyada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay diidan yihiin shirka Jowhar.
soo-dhoweyn-2 (1)

soo-dhoweyn-3

soo-dhoweyn-4

soo-dhoweyn-5

soo-dhoweyn-6-1

soo-dhoweyn-8

soo-dhoweyn-9

- Advertisement -

Read more

Local News