25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Shirka Odowaa ka furay Jowhar maxaa xigaya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)- Gelinkii dambe ee shalay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka furay magaalada Jowhar wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkaasi ayaa qaatay iska daba jiitan ka badan 3 bilood, waxaana wali dhaliilsan qaar kamid ah beelaha daga magaalooyinka gobolka Hiiraan kuwaasi oo aan ku qancin sidey wax u socdaan.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in furitaanka shirka ee shalay dhacay kadib la gudi galayo qeybsiga ergooyinka shirka oo matali doona beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ergooyinka ayaa kadib soo xuli doona xubnaha baarlamaanka ee uu yeelanayo maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Markii hore waxyaabaha ay isku fahmi waayeen dowlada Soomaaliya iyo dadka maamulka loo sameynayo ayaa ahaa in ergooyinka ay saluugeen beelaha daga Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Lamana oga qaabka kale ee beelaha Hiiraan loogu qancin doono qeybinta ergooyinka maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News