Axmed Madoobe oo bandow saaray KISMAAYO

Kismaayo  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu roogay bandow cusub, sida ay sheegeen saraakiisha qaar ee magaalada Kismaayo ku sugan.

Axmed Maxamed islaam Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa inuu bandow kusoo rogay magaalada Kismaayo si amaanka loo xaqiijiyo.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in bandowga ay ka dambeysay kadib markii xiisad amaan laga dareemay magaalada Kismaayo gudaheeda.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii shalay magaalada la geeyay ciidamo kamid ahaa kuwa Barre Aadan Shire Hiiraale kuwaasi oo xiisad cusub ka abuuray magaalada Kismaayo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com