Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Dowladaha Caalamka ay musiibooyinka ku dhaca shacbigooda u muujiyaan dareen qiiro leh, ayaa waxaan jirin cid danqasho ka muujisa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqo gudaha dalka iyo kuwooda ku dhamaada Badaha Caalamka.
Madaxda DFS ee Shirarka Caalamka iyo kuwa maxaliga ah ka sheega inay matalaan Shacbiga Soomaaliyeed ayaan hadana laheyn Ujeedo muujinkarta inay leeyihiin mas’uuliyad leh danqasho, iyadoo taa ay u dheertahay in lagu dul gorgortamo shacabka dhibta saaxiibka u ah.
Kaamiradaha Caalamka ayaa siyaabo kala duwan u qabta Madaxda DFS oo ka qeybgalaaya Aas loo sameeyay Askar Ajaanib ah oo ku dhimatay Somalia, halka kuwa lagu leynaayo wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka aysan ka hadal Dowlada misna aysan siinin tixgalin.
Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu dhawaan Dalka Kenya uga qeybgalay Aas Qaran oo ay Kenya u sameysay Askar looga laayay Gobolka Gedo isaga oo ay ka muuqatay Murugo, waxaana xusid mudneyd in wakhtigaasi Tuulooyin hoostaga Gobolka Gedo ay buuxeen Meydadka Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ciidamada Kenya ay u dileen aargoosi.
Haddaba Su’aashu waxa ay tahay Haddii Madaxweyne Xassan Sheekh uu u baroor diiqay Ciidamada Ajaanibta ah ee Kenya maxaa ka hortaagan in loo baroor diiqo Muwaadiniinta Badda ku dhamaatay ee kor u dhaafeysa 250!!
Boqolaalka ku dhamaaday Badda ee ka carartay amaan darida iyo shaqo la’aanta ka taagan dalka miyay ka baxeen Soomaalinimada?









