32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Xasan wuuu shiriyey odayaal dhowr ah waxa uu san-dulo uga dhigay inay doortaan xildhibaano”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wada qorsho uu Madaxweyne uga dhigaayo shaqsi isaga saaxiib la ah.

C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dibin-daabyo u maleegaayo beelaha dega Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Goodax waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu kulan aan caadi aheyn la qaatay Odayaal kasoo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isaga oo kala hadlay sida lagu dooran lahaa Siyaasi uu sheegay inuu la damacsan yahay Madaxweynaha maamulkaasi cusub loo dhisi doono.

Goodax waxa uu tilmaamay in Xassan Sheekh uu Odayaasha qaar ku cadaadiyay inay aqbalaan shaqsiga uu isaga wato, waxa uuna cadeeyay in Xassan Sheekh uu ku dhaqmaayo Digtaateernimo.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu wato dano gaar ah islamarkaana uusan dan ka laheyn shacabka ku nool labadaasi Gobol.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa hadalkaani ku sheegay Wareysi uu siiyay Idaacada Risaala, waxa uuna DFS ku eedeeyay inay ka eexatay Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan islamarkaana u hiilisay dadka ku nool Gobolka Shabellaha Dhexe.

”Dowladu waxa ay ku dhaqmeysaa wixii maankeeda ay ka maagto, waxa ay go’aan ku gaartay in la tashi la’aan ay Jowhar ka tuurtay shirka, islamarkaana ay dhuunta u joogsatay dadka ku nool Gobolka Hiiraan taasi dhaliil ayaa ka taagan”

Haddalka Xildhibaan Goodax ayaa imaanaya xili uu Khilaaf ka taagan yahay socoshada shirka Jowhar islamarkaana Xassan Sheekh uu wakhti badan galinaayo hirgalinta rabitaankiisa ku aadan cida uu Madaxweynaha maamulkaasi uga dhigan lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News