32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Gaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo la qabtay.!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa goordhow gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Gaarigaani ayaa waxaa lagu qabtay Banaanka sare ee Maqaaxida Royal ee Degmada Hodan.

Gaariga ayaa waxaa sidoo kale laga soo buuxiyay Hub loogu tallo galay inuu Qarax sameeyo, waxa uuna Ujeedku ahaa in lagu Qarxiyo Maqaaxidaasi xiliga ay dadka usoo qada doontaan.

Maqaaxida ayaa ah mid aad u mashquul badan iyadoo xiliyada qaar ay fadhiistaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa waxaa durbadiiba la wareegay Ciidamada Amaanka waxaana halkaasi ku kala furfuray Saraakiil ka tirsan Miino baarista.

Arintaani ayaa kusoo beegmeysa xili asbuucyadii tagay sidaa ookale loo fashiliyay Gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News