Xog cusub: Taliye Tuuryare oo maxkamad laga dacweeyay ayada oo loo haysto lacag uu ka….

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulada qaar ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Muqdisho ayaa dacwo ka gudbiyay Taliyaha NISA Cabdiraxman Tuuryare, markii aay ku yeesheen lacago kor u dhaafay 2 boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah ($200.000)

Hotelada City Palace iyo Maka Al Mukarama iyo kuwo kale oo ka yar yar ayaa waxaa aay dacwada u gudbiyeen sida aay xogta ku heshay Caasimada Online, maxkamadda Gobolka Banaadir. Dacwaddaas oo ka dhan ah taliyaha NISA Cabdiraxman Tuuryare.

Lacagahaas ayaa waxaa sheegeen in aay ku leeyihiin Tuuryare, oo dad badan u kireeyay Hoteladooda. Waxaa milkiilayasha aay sheegayaan in Tuuryare uu diiday in uu bixiyo lacagahaas, waxaana uu ku yiri milkiilayaasha, marka hore idinka bixiya canshuuraha leydinku leeyahay.

Weli lama oga in Maxkamadda ay dhegeysan doonto dacwadaas iyo in si xaal mastuur ah lagu xallin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com