32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Gaas oo looga yeeray Addis Ababa + Xasan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa la sheegayaa in Habeenimadii xalay uu ku hoyday magaalada Addis Ababa ee xarunta Dowlada Ethiopia.

Madaxweyne Gaas, ayaa habeenimadii xalay ay halkaasi isku arkeen Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo halkaasi ku jooga booqasho.

Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in C/wali Gaas ay magaalada Addis Ababa isku arkeen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo la sheegay in halkaasi uu u joogo howlo shaqo.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, C/wali Gaas iyo Axmed Madoobo oo hadda jooga magaalada Jigjiga ayaa waxaa gabi ahaantooda halkaasi uga yeertay Dowlada Ethiopia, oo dooneysa inay siiso awaamir ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada.

C/wali Gaas oo howlo shaqo baryahaani ku joogay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in howlihiisa Addis Ababa kadib uu dib ugu laabto Puntland, halka Xassan Sheekh isaga oo kusoo laaban doono magaalada Muqdisho.

Lama oga ujeedka Seddexdaasi mas’uul leysugu yeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News