29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Gaas iyo Amiir Suldan oo heshiis galay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Riyaad ee xarunta Boqortooyada Dalka Sucuudiga, ayaa halkaasi Heshiis kula galay maalqabeeno dalkaasi u dhashay.

Heshiiska dhex maray Malqabeenka iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa salka ku haya dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka Puntland.

Heshiiska ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maalqabeen kasoo jeeda Dalkaasi.

Maalqabeenka ayaa saxiixay inuu ka qeybqaadan doono dhismaha Deked laga dhisi doono magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Heshiiska ay wada galeen ayaa sidoo kale waxaa kamid ah wado la sheegay inay isku xiri doonto magaalooyinka Garacad, Galdogob iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud, ayaa sidoo kale saxiixay in Puntland uu ka dhisan doono Warshad soo saarta Kaluunka gasacadeysan iyo kan la dhoofiyo.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa soo dhaweeyay Heshiiska waxa uuna dhankiisa ka balanqaaday inuu dusha saaran doono amaanka iyo Goobaha laga hirgalin doono mashaariicda.

1

2

3

4

5

6

7

- Advertisement -

Read more

Local News