28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Koox cusub oo la ogaaday in ay ka dambeyso weerarada xeebaha Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiil amni ayaa sheegay in weeraradii burcad badeednimo ee dhowaan ka dhacay xeebaha Soomaaliya ay fuliyeen koox cusub oo ah “dambiilayaal fursad-doon ah”, taasi oo ka sii dareysa halis shirkadaha maraakiibta ee caalamka ku keentay khasaare dhaqaale oo u dhigma balaayiin doolar.

Falalka burcad badeednimada ayaa faraha ka baxay xeebaha Soomaaliya sanadihii 2000-meeyadii, iyadoo heerkii ugu sarreeyay gaartay sanadkii 2011-kii, markaas oo la diiwaangeliyay boqollaal weerar.

Si kastaba ha ahaatee, khatartaas ayaa si weyn hoos loogu dhigay kaddib markii ciidamo badeed oo caalami ah la geeyay gobolka, isla markaana shirkadaha maraakiibta ganacsiga ay la yimaadeen xeelado cusub oo ay isku difaacaan. Balse toddobaadkii la soo dhaafay gudahiisa, waxaa la afduubtay markabka shidaalka qaada ee HONOUR 25 iyo markabka sibirka qaada ee SWARD, waana dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee la diiwaangeliyo bilooyin kaddib.

Sida uu wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee maamul-goboleedka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, qabsashada markabka SWARD waxaa fuliyay koox ka hawlgasha degmada xeebeedka Garacad.

Deegaankan ayaa aad uga xiga dhanka koonfureed xarumaha caadiga ah ee ay burcad badeeddu ku xooggan yihiin, kuwaas oo u badan saddexda magaalo xeebeed ee Xaafuun, Bandar Beyla iyo Eyl, halkaas oo la rumeysan yahay in la geeyay markabka kale ee shidaalka ee HONOUR 25.

Kooxdan cusub ayaa inta badan ka kooban “dhallinyaro miyi ah” oo ka soo jeeda deegaan “hubku uu iska dhex yaallo”. Waxaa dhaq-dhaqaaqooda kiciyay saboolnimo baahsan iyo caro ay ka qabaan kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay wadaan maraakiib shisheeye oo ka kala yimid dalalka Shiinaha, Yemen, Iiraan iyo waddamo kale.

“Ku dhawaad qof kasta oo ku nool deegaankan waa sabool, qof kastana waa hubeysan yahay. Kalluumeysiga sharci-darrada ah, gaar ahaan kan ay wadaan maraakiibta xaaqaha ah, ayaa xaaladda ka dhigaya mid ka sii darta,” ayuu sarkaalku u sheegay AFP.

Wuxuu intaas raaciyay digniin adag oo ah in haddii aan kooxahan laga hortagin, ay isku beddeli karaan ururro la mid ah kuwa haatan dagaalka kula jira dowladda, isagoo ula jeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish oo sanado badan dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida inta badan looga bartay Soomaaliya, xaaladda ayaa waxaa sii murjinaya arrimaha qabiilka, oo udub dhexaad u ah siyaasadda iyo bulshada dalka.

Sarkaal labaad oo ka tirsan amniga Puntland ayaa u sheegay AFP in kooxda afduubatay markabka SWARD ay dhammaantood ka soo wada jeedaan hal beel iyo jifo hoose. Tani ayaa si weyn u adkeynaysa tallaabooyin kasta oo ay dowladda iyo laamaha amnigu qaadi karaan, maadaama loo arki karo weerar ka dhan ah qabiilkaas guud ahaan.

“Raggan saaran markabka waxay ka soo jeedaan jifooyin gaar ah, taas oo ka duwan jifada uu ka soo jeedo madaxweynaha Puntland. Sidaas darteed, haddii aan weerar qaadno oo qaar ka mid ah ay waxyeello soo gaarto, waxay horseedi kartaa dilal aano qabiil ah oo dhexmara dadka deegaanka,” ayuu sharraxay sarkaalka labaad.

Wuxuu xusay in wada-xaajoodku uu yahay xalka ugu wanaagsan ee lagu dajin karo xaaladdan xasaasiga ah, inkastoo uu qiray in arrintaasi ay sidoo kale gacan siinayso dhiirigelinna u tahay burcad badeedda. Ilaa iyo haatan, xukuumadda Puntland ayaan wax war-saxaafadeed ah ka soo saarin afduubyadan.

Dhanka kale, falanqeeye Jethro Norman oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark (Danish Institute for International Studies), ayaa sheegay in soo rogaal-celinta burcad badeednimadu ay dhibaatooyin waqti dheer ah u keeni karto bulshada deegaanka.

Isagoo la hadlayay AFP ayuu yiri: “Qoysaska qaar ayaa laga yaabaa inay helaan lacag caddaan ah oo muddo gaaban ah. Balse saameynta ballaaran ee ka dhalanaysa ayaa ah inuu kor u kaco qiimaha cuntooyinka dibadda laga keeno iyo gaar ahaan shidaalka, in caqabad lagu noqdo kalluumeysiga sharciga ah, iyo in suurtagal ay tahay in la kordhiyo ciidamada badda ee shisheeye ee ilaaliya xeebaha, taas oo dhib ku noqonaysa nolosha caadiga ah ee badda.”

Norman ayaa carabka ku adkeeyay in beesha caalamku ay tahay inay wax badan ka qabato sidii looga hortagi lahaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci-darrada ah uga dhex kalluumeysta gobolka, kuwaas oo caro iyo uur-kutaallo ku abuuraya dadka deegaanka.

“Puntland waxay sanado badan qeylo-dhaan ka muujinaysay kalluumeysiga sharci-darrada ah ee shisheeyaha,” ayuu yiri falanqeeyaha. Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay: “Illa iyo inta beesha caalamku ay si toos ah dhaqaale iyo qalab ugu taageerayso hay’adaha Puntland ee ilaaliya xeebahan, xal lagama gaari doono khatarta taagan xilligan iyo dhaqaalaha siyaasadeed ee quudiya dhibaatadan.”

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News