31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

XOG: Turkish Airline oo ciidamo gaar ah la timid Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Kadib markii maalintii shalay magaalada Muqdisho ay soo gaartay diyaarada Shirkada Turkish Airline ayaa waxaa xogo soo baxaya ay sheegayaan iney magaalada Muqdisho la timid ciidamo gaar ah oo xaqiijinaya amaanka shirkada.

Ciidamadaasi ayaa sida xogta lagu helayo waxay wataan Eeyo tababaran kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono amaanka qeyb kamid ah garoonka Muqdisho oo shirkada ay dageyso, waxana ay xaqiijin doonaan wax walbaa oo raacaya shirkada Turkish.

Ciidamadaasi oo tababar gaar ah qaba ayaa la shaqeyn doonaa ciidamada hayada amaanka ee garoonka waxayna si qaas ah ula socon doonaan dhaqdhaqaaqa diyaarada Turkish Airline.

Shirkada Turkish Airline ayaa ka badbaaday qorshe la damacsanaa bishii labaad ee sanadkaan in dhexdheeda qarax uu ka dhaco, balse waxaa qaraxaasi uu ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airline.

Waxaana Turkish Airline ay bishii February ku dhawaaqday iney hakad gelisay duulimaadyadii Muqdisho ay ku imaan jirtay, waxaase xog aan heleyno ay sheegeysaa in duulimaadyadii caadiga ahaa ay bilaabi doonto 20 ka bishaan, walow shalay ay Muqdisho timid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News