31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

XOG: XASAN oo looga yeeray Xarunta XALANE (Maxaa cusub?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud looga yeeray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka yeeritaanka uu yahay si wakiilada Beesha Caalamka kulan ula qaadan lahaayen Madaxweyne Xassan oo aan xiligaani u dhaga-nugleyn baaqyada kaga imaanaya dhanka Beesha Caalamka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweyne Xassan wax laga weydiin doono qorshaha Doorashada iyo Dareenka maamulada dalka ay ka muujinayaan waxkabedelka Dastuurka iyo DFS aysan diyaar u aheyn in doorashada ay qabato xiligeeda.

U yeeritaanka Xassan ayaa imaanaya iyadoo laba maalin un ka hor maamulka Puntland ay qeyla dhaan ka muujiyeen faragalin uu BFS ku hayo howlaha doorasho iyo qodobadii lagu kala saxiixday shirka wadatashiga Qaran.

Xassan oo baaqa kasoo baxay Beesha Caalamka ka jawaabaayay ayaa isna sheegay in BFS looga baahan yahay meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Ma cadda waxa uu Xassan Sheekh kala kulmi doono Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News