31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

RW CC oo aan wali la socon waxa uu Xasan ka damacsan yahay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa lasoo warinayaa in ilaa iyo iminka uusan la socon sida madaxweyne Xassan Sheekh uu ka damacsan yahay doorashada dalka.

Siyaasiyiin ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha dalka ayaa xaqiijiyay in Sharmaarke uu qaati ka taagan yahay Xassan Sheekh.

Siyaasiyiintu waxa ay sheegen in shaqsiga mar waliba arrinta doorashada wax laga weydiinaayo uu yahay Sharmaarke, hayeeshee uusan xiligaani aheyn mas’uul kawar hayo go’aanka iyo qorshaha Xassan uu ka damacsan yahay doorashada.

Sharmaarke ayaa waxaa kusoo laalaabatay su’aasha ah ah qaababka loo maraayo doorashada hayeeshee uu qorsho ka dhigtay madadaalinta dadka.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer Sharmaarke weydiisay wakhtiga doorashada iyo dadaalka ay dowlada wado, waxa uuna mar waliba ku jawaabaa in dadaalka uu yahay mid socda.

Lama oga ujeedka Xassan uu uga qariyo xaqiiqda jirta, waxa uuna mar wali isku dayaa in Ra’isul wasaaraha uusan ogaan sirtiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News