Muqdisho(Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo u yimid arimo ay ka mid yihiin doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas oo ka hor inta uusan kasoo tagin magaalada Garowe warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid seddex arimood oo kala ah inuu la kulmo xubnaha golaha amaanka ka socdo ee Muqdisho imaanaya, inuu ka qeyb galo shirka arimaha dastuurka ee dhamaadka bishan ka furmaya Garowe iyo shirka arimaha doorashooyinka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in horay hishiis looga gaaray arimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya sanadkaan.
C/welli Gaas ayaa wuxuu si weyn kaga soo horjeeday doorashada sanadkaan in nidaamka 4.5 lagu daro, laakiin muddo kadib wuxuu shaashadaha kasoo muuqday isagoo aqbalay wuxuu uu diidanaa markii hore.
Beesha caalamka ayaa cadaadis ku heysa dowlad Soomaaliya baarlamaanka iyo xubnaha hishiiska ku gaaray nidaamka doorashada, waxaana laga soo horjeedeaa waqti kordhin ay sameystaan hayadaha dowlada ee haatan shaqeeya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

