Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xildhibaano ka tirsan BFS, ayaa sheegaya in Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay wadaan qorsho ay ku hagar-daaminayaan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Wararku waxa ay sheegayaan in qorshaha Xildhibaanadaani uu yahay inay curyaamiyaan Siyaasada Xassan Sheekh ka hor inta aan la gaarin Doorashooyinka, iyaga oo wacad ku maray in Xassan Sheekh uu saaxiib u noqon doono Carqalad iyo Kacdoon Siyaasadeed.
Mid kamid ah Xildhibaanada BFS oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Banaadir kana gaabsaday in magaciisa loo isticmaalo saxaafadda ayaa xaqiijiyay in iminka ay wada qaaten ilaa Laba kulan oo ka kala dhacay laba Hoteel oo ku yaalla Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in culeyska lagu saaraayay sida lagu cuuryaamin lahaa qorshooyinka Doorasho ee Xassan Sheekh.
Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu mudada xilka hayo dhaqaale iyo maskaxba ku bixinaayay sida loo naxuusin lahaa Siyaasada Hawiye, isaga oo tilmaamay in mar waliba uu Beelaha Hawiye kaga hiilin jiray Beelaha kale.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xassan Sheekh uu awoodiisa isugu geeyay in Gobolka Banaadir aan lagu darin Gobolada maqaamkooda la sara qaaday, balse ay socdaan dadaalo lagu sara qaadaayo maqaamka Gobolka.
Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu yahay mid kheyrul mas’uul ah oo aan mar kale xilka qaban karin isaga oo ku tilmaamay Madaxweyne shacabkiisa kala heyb-sooca.
Sidoo kale, waxa uu wacad ku maray in Xassan Sheekh uu ka dareemi doono doorashada, waxa ay u qorsheeyen, isaga oo tilmaamay inay kula dhaqmi doonaan wajiyo cusub oo xanuunjin doona.
Ma uusan sheegin sida ay noqon doonto Siyaasadda ay u adeegsan doonaan, balse waxa uu ku goodiyay in midab-takoor uu kala kulmi doono Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

