29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Keating: Hadii uu arinku sidaa ahaado beesha caalamka awood ayey ku maquunineysaa DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa mar kale ka hadlay go’aanka Beesha Caalamka kaga aadan qabsoomida doorashada Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aysan diyaar u aheyn inay kala geyso Soomaalida, balse Ujeedka ay Somalia uga howlgalayaan ay tahay in Soomaalida laga garabsiiyo dhanka Siyaasada, Horumarka iyo Amniga.

Michael Keating, waxa uu cod dheer ku sheegay in Beesha Caalamka marnaba aysan aqbali doonin in DFS ay wakhti dhameys ka dhigto Khilaaf iyo Muran lagu dib dhigaayo doorashada.

Michael Keating, waxa uu intaa ku daray in Hadafka Beesha Caalamka uu yahay keliya ”Somalia oo nabad iyo kala danbeyn u saaxiib ah” isaga oo taasi sheegay in lagu gaari doono ilaalinta Dastuurka iyo Xeerarka dhigaaya in arrimaha taagan lagu xalin karo Hab is fahan ah.

”Hadafkeenu maaha inaan kala eryino Soomaali israbta, balse waxaan dooneynaa in Somalia ay la sinaato dalalka kale iyada oo la adeegsanaayo sharciga ay gacantooda ku qorteen”
Michael
”DFS horay waan ugu sheegnay haddana waan u sheegeynaa inagu diyaar uma nihin in wakhtigeena aan ku lumino Khilaaf xalin iyo Howlo kale waxaan dooneynaa inaan hirgalino Somalia oo Somalia ah”

”Doorashadu waxa ay dhici doontaa wakhtigeeda haddii ay DF isku daydo inay wakhti kordhin sameyso, Beesha Caalamka waxa ay ku jawaabi doontaa talaabo sharci ah oo aan ganbasho laheyn”

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya iyadoo DFS ay meer-meeradineyso qodobadii lagu kala saxiixday Heshiiskii wadatashiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News