31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Yuusuf Garaad Cumar oo safiir loo magacaabay + Safiiro kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta safiir cusub u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar oo ahaa wariye ka tirsanaa BBC Soomaaliya.

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa seddex wasiir oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad Cumar ansixiyay iney noqdaan safiiro dowlada Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka.

Safiirada cusub ee dowlada Soomaaliya u magacowday dalal caalamka ku ayaa waxay kala yihiin Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye.

Dowlada Soomaaliya xilalkaan ay u magacowday seddexdaan masuul ayaanan la shaacin wadamada ay matali doonaan.

Ansixinta liiska golaha wasiirada ayaa kusoo aadeysaa iyadoo xiliga la joogo ay tahay waqti kala guur ah, islamarkaana dowlada Soomaaliya waqtigeeda ka dhiman yahay bilooyin kooban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News