26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Imaanshaha Erdogan oo dadka Muqdisho saameyn ku yeelatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Erdogan oo kasoo ambabixi doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa imaanshiyihiisa muqdisho kadib kulamo la qaadan doona Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Erdogan waxa uu sidoo kale xariga ka jari doonaa safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

Ciidamo aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay wadooyika magaalada Muqdisho waxaana xiran gabi ahaan wadooyinka oo laga mamnuucay dadka iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Dhanka kale, Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in si wada jir ah ay ula hadlaan saxaafada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News