Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno Villa Soomaaliya ayaa sheegay in kulamo gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
Kulamadaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii mashaariic la xiriira dhismayaal dekedo uu ka dhashay murun siyaasadeed u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo kala ah dhismaha dekada magaalada Garacad iyo dhismaha dekada magaalada Hobyo.
Cumar C/rashid ayaa aaminsan in C/kariin Xuseen Guuleed uu doonayo in mashruuca dhismaha dekada Garacad loo wareejiyo dekada degmada Hobyo, wuxuuna kulan gaar ah arintaasi kala yeeshay madaxweynaha, sida ila xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen.
Si kastaba, warar ay Caasimada Online ay heshay ayaa sheegay inuusan jirin mashruux dekedda Garacd loogu talo-galay oo loo wareyjinayo Hobyo, balse mashruuxa Hobyo uu yahay mid gaar ah, hase yeeshee Cumar Cabdirashiid ay qabyaalad qaaday.
Madaxweynaha ayaa u sheegay Cumar in dekedda Hobyo ay dhesinayaan dadkeeda, oo dowladda federaalka aysan shaqo ku lahayn, ayna tahay arrin aan wanaagsaneyn inuu kala xigsado labada deked, maadaama uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka oo dhan.
C/Kariin Guuleed oo taageero weyn ka heysta Xasan Sheikh ayaa soo jeediyay in mashruuca dhismaha dekada magaalada Hobyo laga raadinayaa dhanka wadamada carabta gaar ahaan dowlada Sacuudiga, maadaama dadka deegaanka kaligood aysan ku filneyn.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u dhaqmaya nin matalaya danta Puntland iyo inuu yahay ra’iisul wasaaraha Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

