28 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

DF Somalia oo soo saartay war ku saabsan bisha RAMADAAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in maalinta  beri ah oo Isniin ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sida uu shaaciyay TV-ga Al Carabiya golaha sare ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay iney tahay berito maalinta koowaad ee Soonka waxaana la sheegay in bisha laga arkay dalka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa ah dowlada Islaamka oo inta badan ay ku daysadaan haddii Soonka ay ku dhawaaqdo, waxaana inta badan wadamada Islaamka ay saadilaeen iney beri Soon tahay.

Wadanka Australia oo muslimiin badan ay ku nool yihiin ayaa la sheegayaa iney tukadeen salaada Taraawiixda oo ay isku diyaariyeen soonka.

In ka badan 1.5 Bilyan oo Muslimiin ah ayaa qayaas ahaan soomi doona caalamka oo dhan sida uu sheegay Telefishinka Al Carabiya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Isniinta ay soon tahay, iyadoo Sacuudiga inta badan wuxuu hormuud u yahay dowlado badan oo Islaam ah.

Gudoomiyaha maxkamada racfaanka Shabeelaha Dhexe iyo gudi dowlada u xilsaartay Bisha ayaa ku dhawaaqay in beri soon tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News