Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya goordhow gaaray wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, wafdigaasi oo uu hogaaminaayay Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye.
Wafdiga wasiir Hadliye ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya, Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya iyo wafdi Xildhibaano ah.
Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo dadka Qaxootiga ay ku jiraan Diyaargarowga soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu gaaro Xeryaha Dhadhaab halkaasi oo uu soo arki doono xaalada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Somaliyed.





