Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo warinayaa in cabsi xoogan ay soo foodsaartay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kadib markii uu waji cusub kala kulmay Beesha Caalamka.
Cabsida Xassan Sheekh ayaa kadanbeysay ka gadaal markii ay Dowlada Mareykanka ee gaabisay xiriirka islamarkaana loogu goodiyay in lagala laaban doono kalsoonida.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xassan Sheekh uu ka biyo diiday in xil ka qaadis uu ku sameeyo ilaa 5 Mas’uul oo ka tirsan Dowladiisa kuwaasi oo uu kamid yahay Taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in iminka uu xun yahay xiriirka ka dhexeeya Dowlada Britain iyo Xassan Sheekh, gaar ahaan Wakiilada Britain u jooga Somalia.
Mareykanka iyo Britain ayaa la sheegayaa in goorsii horeysay ay Xassan Sheekh ugu hanjabeen inay ka reebi doonaan ciidamada AMISOM ee ilaalada gaarka u ah.
Xassan Sheekh ayaa cabsi ka qaba in dowladahaasi ay ka shaqeeyaan amni daradiisa, isaga oo baqdin ka qaba in shirqoolo loo maleego.
Xassan oo arrintaani ka duulaaya ayaa iminka diblumaasiyiinta Imaaraadka ka jooga Somalia ka dalbaday inay siiyaan ilaa 8 gaari iyo ciidamadii ay dhawaan usoo xireen tababarka.
Docda kale, waxaa iminka gabogabo ah wakhtiga u harsan Xukuumada Somalia, waxaana laga deyrinayaa xiriirka Xassan Sheekh iyo Beesha Caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]