25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Aqri liiska Magacyada maamulka cusub Ahlu-Suna ay shaacisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca , ayaa waxaa lagu magacaabay maamul cusub oo la wareegi doona Degmada Dhuusamareeb.

Wareegtada waxaa lagu sheegay in maamulkii hore ee Degmada aanu xiligaani iyo wixii ka danbeeya shaqeyn doonin, maamulka shaqeyn doonana uu yahay kan iminka la magacaabay.

Maamulka cusub ee iminka loo magacaabay Degmada Dhuusamareeb ayaa ka kooban:

1: Guddoomiyaha Dhuusamareeb: Cabdullaahi Barre.

2:ku xigeenka 1aad: Macallin Faarax Maxamed Faarax.

3: Guddoomiye ku xigeenka 2aad: Cabdiqaadir Maxamed Cali Xasan.

4: Xoghayaha Maaliyadda: Bishaaro Maxamed Cardoofe.

5: Xogahayaha Haweenka: Faadumo Maxamed Jaamac.

Wareegtada waxaa lagu cadeeyay in maamulkii hore laga eryay shaqada sidaa aawgeed dadka degmada ku nool looga baahan yahay inay la shaqeeyaan maamulka cusub.

Masuuliyiinta cusub ee loo Magacaabay degmada Dhuusamareeb ayaa tiro ahaan aad uga yar kuwii hore marka loo eego kuwa shaqada laga ruqseeyay kuwaas oo illaa 14 xubnood gaarayay.

Dhinaca kale, Maamulka iminka lagu magacaabay wareegtada ayaa tirro ahaan dhan ilaa Shan xubnood kuwaasi oo lagu wado in isla maanta ay shaqo bilaabi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News