Muqdisho (Caasimada Online)- Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia ayaa shaki ka keenay qaabka ay maamul Goboleedyada dalka u diyaarinayaan xubnaha cusub ee la filaayo inay kamid noqdaan BF Somalia ee dhawaan lasoo xuli doono.
Wakiilada ayaa warqad qoraal ah u gudbiyay DFS iyo Maamulada dalka taasi oo ay ku dalbanayaan in xubno ay ku dhex yeeshaan goobaha lagu diyaarinaayo xubnahaasi iyo talaabo waliba oo arrintaani ku saabsan lala socodsiiyo.
Ujeedka shakigaani ayaa ka danbeysay kadib markii mas’uuliyiin ka kala tirsan DF iyo Maamulada ay Beesha caalamka ku wargaliyeen in xulista Xildhibaanada cusub loo isticmaalaayo qaab dhaqaale uruursi ah.
Wakiilada ayaa doonaaya in nidaamka xulista iyo ka ganacsiga Xildhibaanada lasoo xulaayo la kala qaado, waxa uuna ujeedku yahay in cid waliba oo buuxisa shuruudaha ay hesho xilkaasi.
Tani waxa ay caqabad ku noqon kartaa qorshaha Madaxweynayaasha maamulada ay ku doonayeen inay ku hantiyaan dhaqaalaha laga qaado xubnaha doonaaya in lagu darro Baarlamaanka cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]