Sawirro: Galmudug oo la timid taargoyin cusub oo khilaafsan kan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa bilaabay bixinta Taargooyinka gaadiidka kuwaasi oo laga muuqaal soocay kuwa saxda ah oo ay bixiso DFS.

Taarigadaani cusub oo ay la imaaday Galmudug ayaa waxaa dhanka dowladihii KMG ee Somalia ka isticmaali jiray gaadiidka gaarka u ah dowlada, waxaana ku dhignaan jiray ”Xukuumada” Halka Galmudug ay u isticmaaleyso gaadiidka shacabka.

Taargooyinkaani ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dadka shacabka lagu amray in taarigooyinkaasi ay ku qaatan 10 maalin gudahooda.

Amar kasoo baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada gaadiidka Galmudug ayaa waxaa dadka shacabka ah lagu amray inay u hogaansamaan amarka isla markaana qaatan Taarikada.

Galmudug waxa ay sheegtay inaysan aqoonsan doonin Taariko aan aheyn tan cusub ee Galmudug taasi oo aan ka shaqeyn doonin deegaanada Galmudug.

Tallaabadani ay dowladda Galmudug qaaday imaanaysa iyadoo dhowaan maamulka Puntland ay diideen isa socodka gaadiidka shixnadaha ganacsi wada.
taargo-1

taargo-2

taargo-3

taargo-4