Hadal uu Erdogan xarunta QM ka sheegay oo walaaciyey Mareykanka

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, ayaa sheegay in dowladiisu ay weli dabataagan tahay wadaadka ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga Fatxullaahi Gulen.

Erdogaan ayaa wareysi gaar ah oo uu siinaayay Wakaalladda Wararka Reuters ku sheegay in dowladiisu ay Mareykanka kaga digeyso dhaweysiga waxa uu ugu yeeray Argagixisada Turkiga oo uu ula jeedo wadaadka lagu magacaabo Fatxullaahi Gulen.

Erdogaani oo ku sugnaa Xarunta QM ee magaalladda New York, ayaa sheegay in dowladiisu ay Argagixiso ka aaminsan tahay ninka lagu magacaabo Fatxullaahi Gulen, waxa uuna dowlada Obama ugu baaqay inay u hiiliso cadaalada.

Erdogaan waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu jiro xiriir diplumaasiyadeed oo kala dhexeeya dowlada Mareykanka balse uu jeclaan lahaa in Mareykanka uu dib u eego xiriirka kala dhexeeya Turkiga isla markaana usoo gacan galsho Fatxullaahi Gulen.

Erdogaan waxa uu sheegay in dowlada Mareykanka aysan heysan sharci ay kusii heynkarto Fatxullaahi Gulen, balse ay doonayaan in soo gacangalinta ninkaasi loo maro habab diplumaasiyadeed.

”Fatxullaahi Gulen waa nin argagixiso ah oo xasuuq iyo dhibaato ka geystay Turkiga jawaabta Mareykanku keliya waxa ay noqonkartaa soo dhiibida Fatxullaahi Gulen.

Dhinaca kale, Erdogaan ayaa ka digay in dowlada Obama ay gabaad u noqoto ragga lala xiriirinaayo cagjirnimada.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com