Yuusuf Garaad oo warbixin ka qoray sida Soomaaliya loo difaacay maanta iyo qareenada matalaya

Afar qareen oo caalami ah ayaa maanta bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay calaamadeyso soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya diidmadeeda waxay u cuskaneysaa waxyaabo ay ka mid yihiin in aan labada dhinac weli si miisaan leh uga wadahadal wakhti ku filan in ay xal ku gaaraan, taas oo Kenya ay qabto in ay labada dal ku heshiiyeen markii ay 7-dii April 2009 ay Nairobi ku kala saxiixdeen Is-Afgarad.

Kenya waxaa dooddeeda ka mid ah in maanta waxa aan heshiis lagu ahayn ay dhici karto in mustaqbalka heshiis laga gaaro.

Jawaabta Soomaaliya waxaa maanta bixiyay afar qareen oo caalami ah. Waxaa u horreysay Dr. Mona Sharmaan, oo iyadu ah qareen Soomaaliyeed.

Sharmaan

Mona waxaa ay ku billowday magaca Eebbe.

Waxaa ay ka mahadcelisay abaalka ay Kenya shalay sheegatay in ay u gashay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay ciidammada dalkeeda ka jooga Soomaaliya. Waxaa kale oo ay u mahadcelisay dhammaanba dalalka kale ee Afrikaanka ah iyo kuwa kaleba ee gacanta siiya Soomaaliya.

Ka dib Mona waxay sheegtay in Soomaaliya ay maanta awood u yeelatay in ay xuquuqdeeda daafacdo iyada oo u mareysa nidaam caalami ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Xuuqdaas oo ay ka mid tahay xuquuqda badda iyo kheyraadkeeda. Maaddaama aan ka mid nahay, ayay tiri dalalka adduunka ugu saboolsan, kheyraadka baddu waa hanti Qaran oo halbowle ah, aadna muhiim ugu ah horumarka mustaqbalka iyo xasilloonida dalkayaga. Waa kheyraad xaqiijin kara, ayay tiri, in dalkayagu uu ku sii socdo horumarka weliba hab dadka Soomaaliyeed oo dhan faa’iido ugu jirto.

Haddana awooddii aan u heli lahayn in aan kheraadkaas ka faa’iideysanno iska daaye xataa in aan baarno oo aan ogaanno meesha laga heli karo kheyraad waxaa naga hor taagan soohdin badeedda annaga iyo Kenya oo Kenya ay muran gelisay.

Mona waxay sheegtay in ay Soomaaliya is xakameysay, oo ay ka gaabsatay in ay wax howl ah ka fuliso aag badeedka ay Kenya muranka nagu sheeganeyso. Waxaa wax laga xumaada ah, ayay tiri Mona, in taas cagisgeed ay Kenya u dhaqantay sidii iyada oo aagga ay iyadu leedahay. Waxay heshiisyo la gashay sharikado shidaalka baara oo haddadaas ku guda jira baaritaan kheraad ay u baadi goobayaan Kenya.

Soomaaliya aad ayay uga walaacsan tahay sida Kenya ay u wajahday arrintan ayay Mona ku tilmaantay waxayna raacisay in Danjire Kenyan ah oo shalay Maxkamadda ka hadashay ay Soomaaliya ku eedeysay in ay dacwaddan xumaan ula dan leedahay welibana ay khiyaamo ku tilmaantay.

Mona waxay ku jawaabtay in ay nasiib darro tahay eedyenta noocaas ahi. Xumaan lagu tilmaami karo, ayay tiri Mona, in caddaalad caalami ah la isla hortago.

Mona waxay sheegtay in Ergooyin ka socda Soomaaliya iyo Kenya ay hore isugu dayeen in ay xal ka gaaraan muranka soohdinta badda. Waxay sheegtay in kulammadaas ay ayadu ka qeyb gashay xalna lagu gaari kari waayay.

Maxkamadda kama dalbayo maanta, ayay raacisay Mona, wax ka badan ama ka yar in ay asteyso soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India.

MoU – Soomaaliya iyo Kenya

Waxaa xigay Prof. Alain Pellet oo sida ay tahay u kala dhigdhigay una icraabay fasiraadda afka qaanuunka ee Is-Afgaradka ay gaareen Soomaaliya iyo Kenya, 7-dii April 2009.

Prof. Pallet, wuxuu sheegay in aan Is-Afgaradkaasi ahayn sida keliya ee lagu xallin karo khilaafka u dhexeeya labada dal. Welibana khasab ka dhigaya in xalka lala sugo soo jeedinta Guddiga CLCS ee Qarammada Midoobay oo ay labada dal mid waliba sida ay isaga la tahay u gudbiyay sheegashada soohdin badeeddiisa.

Paul Reichler ayaa isaguna qaatay oo ku caddeeyay in aan labada dhinac waa Soomaaliya iyo Kenya aan midnaba marnaba u qaadan in Is-Afgaradku yahay ama loogu talo galay in uu noqdo qaab loo raaco xallinta khilaaf.

Ujeeddada keliya ee laga lahaa Is-Afgaradku wuxuu ahaa, ayuu yiri, in CLCS uu u suurta geliyo  in uu eego soohdimaha labada dal ay sheeganayaan. Taas waxaa muujinaya markhaatina ka ah, ayuu yiri, sida ay labada dal u macaammilaan iyo sida uu Wasiirkii heshiiska u saxiixay Soomaaliya uu u macneeyay fahamkiisa.

Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabatay howl uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabsanno. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenku.

Marka la eego cinwaankii hore iyo midka hadda ahba waxay caddeynayaan in ujeeddada dokumentigaas la kala saxiixday ay ahayd oo keliya in labada dal uu mid waliba Guddiga CLCS u gudbiyo soohdintiisa sida uu u arko.

Sheegashada Kenya ee ah in aan labada dhinac u fariisan wadahadal macna leh, wuxuu ku tilmaamay in aanay sax ahayn. Kulammada dhex maray Kenya iyo Soomaaliya mid ka mid ah oo ay Goobjoog ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo markaa xilka hayay uu weydiiyay dhiggiisa Kenya, Danjire Amina Mohamed, ilaa goorma ayay tahay in wufuudda labada dal sii wadaan wadaxaajoodkan kulul ee ay qoorta iskula jiraan iyada oo aanuu muuqan xal ay gaari karaan.

Wasiir Amina waxay ku jawaabtay in inkasta oo labada ergo ay mowqifyadoodu kala fog yihiin in haddana ay jeclaan lahayd in labada wafdi ay hal mar oo ah marka ugu dambeysa ay kulmaan si ay isugu dayaan in ay gaaraan xal saaxiibtinnimo.

Shirka saddexaad noqonna lahaa kan ugu dambeeya ee ama lagu heshiinayo ama dacwad looga gudbayo waxaa lagu ballamay in lagu kulmo Muqdisho. Wafdigii Kenya waa la waayay oo uu wuu imaan diiday. Isla markaana kuma soo wargelin Soomaaliya sababta ay uu uga baaqday shirka. Maxkmadda ayay Kenya shalay ka sheegtay sababta ay u maqnaatay in ay ahayd arrin amniga la xiriirta. Waxay ahayd 21 bilood ka dib xilligii uu shirku dhici lahaa, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee ay Kenya u sheegto sababta ay uga baaqatay shirka.

Reichler wuxuu sheegay in maaddaama labada dhinac ay kala fogaadeen, xal aanuu muuqan, Kenya iyada oo aan fasiraad ka bixin ay ka baaqsatay shirkii ugu dambeeyay, in Soomaaliya ay go’aansato in ay dacwooto aanay ahayn sida Kenya ay ku tilmaantay deg deg iyo khiyaano toona.

In Kenya ay dooneyso in ay soo nooleyso Is-Afgaradkii 2009, si ay isu hor taagto sharciyadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay muujineysaa ayuu yiri in Kenya ay ku jirto xaalad adag, haddaanayba ahayn xaalad cakiran. Dooddan cusub ee Kenya wuxuu ku tilmaamay in ay tahay mid aan macna sameyneyn.

Haddii la rabo in mar kale la dilo fasiraadda Kenya ee Is-Afgaradka, waxaa la soo xigan karaa Qoraalka Diplomaasiyadeed ee Kenya ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay ku sheegtay in Kenya ay doorbideyso in ay arrinta ku xalliso wadaxaajood laba geesood ah oo heerka ugu sarreeya ah oo ay la gasho Soomaaliya si dhakhsa lehna loogu xalliyo khilaafka. Reichler wuxuu sheegay in taasi ay muujineyso in aan Kenya rumeysneyn in Is-Afgaradku yahay tabta loo raacayo xallinta khilaafka. Sababta oo ah Is-Afgaradka waxaa ku qoran keliya in wadahadal furmi doono ka dib marka CLCS ay soo jeediso bareeraheeda ku saabsan soohdinta labada dal.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka saxiixsay Is-Afgaradku wuxuu sheegay in uu fahamkiisu ahaa in sababta uu u saxiixay ay tahay in Soomaaliya iyo Kenya ay u suurto gasho in uu mid waliba uu soohdimihiisa iskiis ugu gudbiyo SLCS.

Qareennada Soomaaliya waxaa hadalkooda soo gunaanaday Prof. Philippe Sands. Isaga oo hadalkiisa ku wajahaya Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda wuxuu yiri, waxaan rajeynayaa in diidmada hordhaca ah ee Kenya aad u aragto waxa ay tahay; taas oo ah in ay dooneyso in ay sii dheereyso xaalad aan caddaalad ku dhisneyn oo bilaa mada’ ah. Kenya waxaa ay dooneysaa in ay dacwadda is hortaagto si ay u furto wadahadal aan dhammaad lahayn, muhiimad looga qeyb galaana aanay jirin.

Qareennada Soomaaliya u dooday waxay u dhasheen Faransiis, Mareykan iyo Ingiriis.

Isu-geyn Qareennada Soomaaliya waxaa ay tusaale u soo qaateen kiisas badan oo qaarado kala duwan oo ah dacwado ay Maxkamaddani u qaadday dalal bad isku haysta. Mid kastana meel ayay tilmaameen uu kiiska Soomaaliya kala mid yahay kiiska dalkii ku guuleystay dacwad kasta oo ay tusaale u soo qaateen.

Dad Online farriimo iigu soo diray aad ayay ula dheceen sida ay Soomaaliya isu daafacday maanta.

Mid ka mid ah dadka bartedya ku xiran wuxuu ii soo qoray “Sida aad isu daafacdeen aad iyo baa maqsuud looga yahay.”

Berri galab 16:30 wakhtiga Hague ayaa waxaa billaabanaya wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada Kenya. Waxaa diidmo afka ah mar kale soo jeedin doona ergada Kenya. Halkan kala soco qormo ku saabsan soo jeedinta Kenya haddii eebbe idmo.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar