Sawirro: CC oo si uusan fileyn loogu soo dhoweeyey Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’isul wasaaraha dalka oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee dowlada ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali, Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa markii uu gaaray Magaalada Goroowe halkaasi kula hadlay Saxaafada waxa uuna faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadiisa ay la xiriirto u guurgalka iyo dardargalinta geedi socodka doorashooyinka dadban ee lagu soo dooranayo aqalka hoose iyo midka sare ee Barlamaanka dowladda federaalka Somalia.

Sharmaarke waxa uu bogaadiyay qaabka ay u socto qabanqaabada iyo diyaargarowga doorashadda dadban, waxa uuna sheegay inuu kalsooni ku qabo in si wanaagsan ay kusoo dhammaan doonaan xulista si wanaagsan.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, sheegay inuu aad ugu rajoweyn yahay in doorashadda labada aqal iyo doorashada madaxweynuhu ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Waxaa kaloo uu aad u amaanay nabadgelyadda iyo horumarka ka jira degaamadda Puntland.

1

2

3

4

4-3

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16