28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Musiibo dad badan ay ku dhinteen oo ku habsatay gobolka Texas ee Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

San Antonio (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay daadad mahiigaan ah oo Jimcihii aroortii hore ku dhuftay koonfurta-bartamaha gobolka Texas ee Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyadoo weli la la’yahay in ka badan 20 gabdhood oo ku jiray xero xagaaga loo aado.

“Waxaan xaqiijinnay dhimashada 13 qof,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska Degmada Kerr, Larry Leitha, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada, kaddib markii daadad ba’an ay ku dhufteen gobolka oo ku yaal waqooyi-galbeed ee San Antonio, isagoo ka digay in khasaaraha uu intaas ka badan karo. Qaar ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen carruur, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Texas, Dan Patrick.

“Qiyaastii 23 gabdhood” ayaa la la’yahay oo ka tirsanaa xerada Camp Mystic oo ku taalla hareeraha Webiga Guadalupe, kaasoo biyihiisu ay habeen qura kor u kaceen 26 fiit (sideed mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, ayuu raaciyay Patrick.

“Taasi macnaheedu maaha in ay lumeen, waxaa laga yaabaa inay geed saaran yihiin, ama ay go’doon ka yihiin isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Patrick wuxuu akhriyay farriin ka timid agaasimaha xerada xagaaga, oo ay ku sugnaayeen ilaa 750 qof oo u joogay fasaxa dheer ee maalinta xorriyadda ee 4-ta Luuliyo, taasoo sheegaysay in xerada ay soo gaartay “heer musiibo ah oo daadad ah.”

“Ma haysanno koronto, biyo iyo Wi-Fi,” ayaa lagu yiri farriinta.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa deegaanka ayaa uga digay dadka deegaanka inay u safraan aaggaas oo ay ku yaallaan goobo dalxiis oo ku teedsan webiga, iyadoo daraasiin waddooyin ahna ay yihiin “kuwo aan la mari karin.”

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay guryo iyo geedo ay qaadayaan daadadkii habeenkii ku dhuftay deegaanka, kuwaasoo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo gaarayay 12 inji oo hal habeen da’ay — taasoo u dhiganta saddex meelood meel roobka celcelis ahaan ka da’a degmada Kerr sannadkii.

Guddoomiyaha Gobolka Texas, Greg Abbott, ayaa bartiisa X ku wadaagay muuqaal muujinaya mid ka mid ah dhibanayaasha oo samatabixiye uu diyaarad helikobtar ah kasoo laadlaadiyay uu kasoo badbaadinayo geed dushiis, xilli ay biyaha daadadku si xowli ah hoostiisa uga socdeen.

‘Waji kale oo soo socda’

“Hawlgallada samatabixinta cirka ee sidan oo kale ah ayaa socda habeen iyo maalin. Ma joogsan doonno ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri.

Freeman Martin, oo ah agaasimaha waaxda badbaadada dadweynaha ee gobolka, ayaa sheegay in daadadkani ay yihiin “dhacdo khasaare ballaaran leh.”

Ilaa 500 oo shaqaale samatabixin ah iyo 14 diyaaradood oo helikobtarro ah ayaa la geeyay goobta, iyadoo Ciidanka Qaranka Texas (Texas National Guard) ay direen kooxo gurmad ah, waxaana sidoo kale hawlgalka ku biiray Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka (US Coast Guard).

“Roobkii wuu yara joogsaday, laakiin waxaan ognahay inay jirto waji kale oo soo socota,” ayuu ka digay Martin, isagoo sheegay in roobab kale ay ku dhufan doonaan deegaannada ku xeeran San Antonio iyo Austin.

“Kama war qabin daadadkan inay imaanayaan,” ayuu yiri garsooraha degmada Kerr, Rob Kelly, subaxnimadii Jimcaha, isagoo intaa ku daray in gobolka ay “daadadku si joogto ah uga dhacaan.”

“Kani waa dooxada webi ee ugu khatarta badan dalka Mareykanka,” ayuu raaciyay, isagoo ula jeeday Webiga Guadalupe ee dhex mara gobolka.

Sadaaliyeyaasha cimilada ayaa digniin daadad ah u diray degmada Kerr, iyagoo ku boorriyay dadka ku nool agagaarka webiga Guadalupe inay “u guuraan meelaha sarsare.”

Bartamihii bishii Juun, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay daadad la mid ah oo ku dhuftay magaalada San Antonio kaddib roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News