Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay tanaasulka uu sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor oo isagu ka haray tartanka musharaxnimada madaxweynaha maamulka.
Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyay go’aanka Axmed Qoor-Qoor, oo uu sheegay inuu u hiiliyay dadka iyo maamulka Galmudug. “Waxaan bogaadinayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee u baryay Galmudug ee isu-tanaasulka, isfahamka iyo biseylka ee Galmudug ka hanaqaaday,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Madaxweynaha Galmudug Md. Ahmed Abdi Kaarie oo u hiiliyey dadka iyo Maamulka Galmudug, waxqabad iyo horumar gaarsiiyay Galmudug asaga iyo mas’uuliyiinta heerarka kale duwan ee Galmudug.”
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Galmudug ay ku ammaanan tahay wadaninimada iyo in aysan ka mid ahayn saldhigyada dalka laga dibindaabyeeyo, isla markaana laga abaabulo shirqoolada qaranimada lagu dhaawacayo.
Fiqi ayaa guul u rajeeyay musharax Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo Villa Soomaaliya u wado hoggaanka maamulka Galmudug.
Si kastaba, tanaasulka Qoor-Qoor ayaa soo afjaraya doodihii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa Dowladda Federaalka iyo Galmudug ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka, iyadoo la filayo in deegaannada maamulka ay ka dhacaan doorashooyin dadweyne, sida ay hore u shaaciyeen guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha.
Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka oo dhameystiran:
Waxaan bogaadinayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee u baryay Galmudug ee isu-tanaasulka, isfahamka iyo biseylka ee Galmudug ka hanaqaaday.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Madaxweynaha Galmudug Md. Ahmed Abdi Kaarie oo u hiiliyey dadka iyo Maamulka Galmudug, waxqabad iyo horumar gaarsiiyay Galmudug asaga iyo mas’uuliyiinta heerarka kale duwan ee Galmudug.
Taladu Waa qori isku-dhiib, waa dhammaystirka hayaan aan dhammaanayn oo horumar iyo waxqabad joogto ah.
Galmudug waxay ku ammaanan tahay wadaninimada iyo in aysan ka mid ahayn saldhigyada dalka laga dibindaabyeeyo, laga abaabulo shirqoolada qaranimadeena lagu dhaawacay, oo aan marna ku suntunayn in ay gabbaad u noqotay cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waa maamul Soomaalinimadu ku weyn tahay qof kasta oo Soomaali ahna gurigiisii ah.
Saaxiibkeen Liibaan Axmed Xasan waxaan u rajaynayaa guul

