25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Jabuuti , ugana sii gudbaya dal kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta ka kala socda dalalka gobolka iyo ururrada caalamiga ah ee lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda qaran ee lagu xusayo sannad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xuskan ayaa ku beegan 27-ka Juun, waana maalintii ay Jabuuti xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska sanadkii 1977-kii.

Munaasabadda ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan madax iyo wafdiyo heer sare ah oo ka kala imanaya dalal badan, kuwaas oo la wadaagaya shacabka Jabuuti dabaal-degga maalinta qaran ee dalkaasi.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeelan doona madaxda dalkaasi, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka dhow iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Jabuuti ayaa ka mid ah saaxiibbada dhow ee Soomaaliya, iyadoo taageero ka geysata dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyagoo door muhiim ah ka qaata dadaallada nabad-ilaalinta iyo xasillinta Soomaaliya.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa Jabuuti uga sii gudbi doona dalalka Masar iyo Itoobiya, isagoo kala hadlaya xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News