R/W CC oo ka hadlay kiiska Badda Somalia iyo heshiiska muranka dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul Wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ra’isul wasaaraha oo magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland kula hadlay Saxaafada ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo muranka Badda Somalia ee dacwadeeda lagu qaadaayo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan ku lug laheyn arrimaha muranka badan dhaliyay ee ka taagan Badda Somalia, waxa uuna iska fogeeyay eedeeymaha kaga imaanaya dhanka Kenya iyo dhinacyada Mucaaradka Soomaalida.

Sharmaarke waxa uu sheegay in mudada uu xilka hayay dowladii KMG aheyd kasii hor ay jireen arrimahaani muranka keenay waxa uuna beeniyay inay jiraan wararka sheegaya in murankaani uu isaga u sabab yahay.

Murankaani ayuu sheegay in markiisa hore uu ahaa mid socday 2005-tii, waxa uuna carab dhabay in arrintaasi ay tahay mid la doonaayo in lagu bahdilo dadka ka madaxbanaan.

Sharmaarke waxa uu sheegay inuusan ka hor dhici karin waxa kasoo bixi doona dacwada ka socta Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay Dacwadaasi ka filaneyso guul, waxa uuna cadeeyay in wixii cadeymo ah ay u gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay dejisay qorshooyin kala duwan oo lagu hirgalinaayo doorashooyinka dalka waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto fashil mar kale ku imaaday doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com