Sawirro: Shir maamul cusub lagu dhisaayo oo ka socda magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo shir maamul cusub loogu sameynaayo Gobolka Hiiraan.

Shirkaani ayaa la sheegayaa inay Hogaaminayaan duubabka Hiiraan, garabka kasoo horjeeda shirka Jowhar, waxaana wehlinaaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka.

Shirka ka socda Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale looga soo horjeedaa kan ka socda magaalada Jowhar, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi lagu dhisi doono maamul cusub oo aan hoostagin dowlada Somalia.

Mas’uuliyiinta qeybta ka ah shirka ayaa waxaa kamid ah Yuusuf Dabageed oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale dhanka duubabka kamid ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Xildhibaano uu kamid yahay C/llaahi Goodax Barre.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Shirka looga tashanayo sidii Gobolka Hiiraan loogu sameyn lahaa Maamul u gaar ah.

Dhismaha maamulkaani cusub ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu ka hormari doono kan lagu dhisaayo magaalada Jowhar.

Dhinaca kale, shirkaani ayaa waxaa la sheegay inuu socon doono maalmo kaliya, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in lagu dhiso maamul cusub.
hiiraan-1

hiiraan-2

hiiraan-3

hiiraan-4
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com