30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo safiirka cusub ee Jabuuti? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhowaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Safiirka cusub ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo xasillinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay danjiraha cusub xilka loo soo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay leeyihiin iskaashi qoto dheer oo ku dhisan walaaltinimo, derisnimo iyo dano wadaag.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee markale loo igmaday.

- Advertisement -

Read more

Local News